Cuntooyinka Kobciya Aragga Iyo Caafimaadka Indhaha





Dad baddan waxay ka cawdaan xannuunada indhaha ku dhaca oo badankooda ka kaxeeya aragga dhaw iyo ka fog labadaba, sidaa darteed waxa jira cuntooyin ka hortaga dhibaatooyinka bani’aadamka ka soo wajaha dhinaca aragga.

Maadaama indhuhu ka mid yihiin xubnaha ugu muhiimsan ee aadamaha, waxa fiican in qofku ilaaliyo caafimaadkiisa, isla markaana quuto cuntooyin ay ku badan yihiin macdanaha Lutien, Omega-3 Fatty Acid, Faytamin C, E iyo Zink oo ka hortaga xannuunada indhaha ku dhaca.

Haddaba, baadhitaanno iyo cilmi-baadhisyo la sameeyey ayaa iftiimiyey in cuntooyinkan soo socda badnakoodu faa’iido u leeyihiin caafimaadka indhaha bani’aadamka:

1.Karootada  (Carrot):
Karootada waa cuntooyinka ugu fiican ee caafimaadka indhaha loo cuno, waayo waa ilaha ugu wanaagsan ee laga helo Faytamiin A iyo maadada Beta-Carotena oo aragga qofka kor u qaaddo. Faytamiin A waxa uu muhiimad badan u leeyahay oogada sare ee indhaha, halka maadada Beta-carotene awood u yeesho maadooyinka Antioxidant si unugyada indhaha uga difacaan qashinka yaryar ee dibadda kaga yimaad.
Sidoo kale waxa ku badan firilayda iyo macdanta Potassium, taasoo macnaheedu yahay in caafimaadka kale ee guud kaarootku u fiican yahay, sababtoo ah macdanta Potassium-ku waxay isku dheellitirtaa dareeraha iyo dheecaanka jidhka ku jira, halka firilayduna u fiican tahay shaqada hab-dhiska dheef shiidka cuntada.

2.Kalluunka:
Saliidda kalluunka, gaar ahaan noocyada loo kala yaqaano Salmon, Sardines, Herring iyo Mackerel ama Halibut waxa ku badan maadada la yidhaa Omega-3 Fatty Acid oo u fiican caafimaadka indhaha. Qofka si joogto ah u cuna kalluunka wuxuu iska difaacaa 38% xannuunada aragga dila, sababtoo ah waxa kaloo kalluunka ku jira faytamiin D, kaasoo ka caawiya in indhuhu noqdaan qaar caafimaad qaba.
Sidoo kale, maadada Omega-3 Fatty Acids waxay jidhka kale ka caawisaa in ay caabuqa iyo subagga hoos uga dhigto

3.Caleenta Cagaaran:
Caleenta cagaaran waxaa ka mid ah bagalka, ansalaatada, koostada iyo wixii la hal maalo ee dadku cunaan amma khudaar ka dhigtaan, waayo caleenta cagaaran waxa ku jira maadooyinka Antioxidants, Zeaxanthin iyo Luetin oo ay kaydsato qaybta la yidhaa Macula ee ka tirsan isha, waana qayb ka mida Retina oo ah qaybta sida dabiiciga ah marka cadceeddu qofka qabato isha ka difaacdo  iftiinka badan.

Sidoo kale, Antioxidants-ka laga helo caleenta cagaaran waxay nuugaan lightka buluugga ah oo dhab ahaantii khatar badan u keena qaybta Retina la yirhdo ee indhaha amma waxay qofka u keenaan inuu si fiican midabadda u kala garto, waxaana cilmi-badhayaal badan sheegeen in maadooyinka Zeaxanthin iyo Lutein ay hoos u dhigaan halista cudurrada indhaha ku dhaca sida in qofku indho beelo marka uu da’ noqdo.

Caleenta cagaaran ee khudaar ahaanta loo cuno waxay sidoo kale u fiican yihiin caafimaadka guud ee qofka, sababtoo ah waxa ku jira macdanaha Potassium, Magnesium Folate, faytamiin E, K iyo A.

4.Arabikhida (galleyda):

Mid mid ah hadhuudhka amma firilayda ugu wanaagsan waa arabikhida oo ay ku badan yihiin maadooyinka ka midka yihiin Zeaxanthin iyo Lutein oo u wanaagsan indhaha, waxayna indhaha siisaa haddii qofku koob badhkii cuno 1.8 gram oo midab-sameeyeyaasha indhaha ah.
Arabikhida waxa ku badan faytamiinnada C, B5 (Pantothenic Acid), B1 (Thaimin) iyo Folate, sidoo kalena waa il muhiim ah oo laga helo macdanaha ay ka midka yihiin Magnesium, Phosphorus, Iron, Copper, Manganese, Zinc oo jidhka bani’aadamka ka caawisa inuu kansarka, macaanka iyo wadne-xannuunka iska difaaco.

5.Tamaandhada (Yaanyada):

Tamaandhada amma yaanyadu waa il muhiim ah oo haddii la cuno laga helo maadada Carotenoid oo ay ku sii jirto Lycopene oo ah maadada dhabta tamaandhada midabka casaanka u samaysa.
Daraasad laga sameeyey ayaa sheegtay in maadadaasi indhaha, gaar ahaan qaybta Retina ka difaacdo laydhka dhaawac ku keeni kara. Sidoo kale, waxay maadadani ka hortagtaa amma unugyada jidhka ka difaacdaa dhaawaca uu u keeno cudurka kansarka ee ku dhaca xubnaha taranka, caloosha iyo sambabada.
Waxa kaloo tamaadhanada aad ugu badan faytamiin C oo isagu indhaha ka ilaaliya in aragu ka tego amma dhaawac ka gaadho xagga aragga, waxaannu u saamaxaa in Iron jidhku ka nuugo cuntada qofku quuto.

6.Baradhada macaan (Bataatiga):
Baradhadu waa cuntooyinka lagu tiriyo macaanka, waxaanay aad waxtar u tahay caafimaadka indhaha, sababtoo ah sida kaarootka waxa ku badan madooyinka Beta Carotene, Faytamiinada A iyo C, fiirlayda, macdanaha Manganese iyo Potassium oo dhammaantood u fiican caafimaadka indhaha.

W/Q: ENG: Ahmed Abdi Mohamud
 (ahmed ok)

Comments

Post a Comment