Faa'idooyinka caafimaad ee diinsiga




Diinsigu wuxuu ka mid yahay geedaha aan ku faanno oo aan faaidadiisu caafimaad aan u soo bandhignay caalamka oo idil iyadoo cilmibaarayaal soomaali ah ay liiska geedo daaweedka ku dareen 30 sano ka hor.

Diinsiga waa geed ka mid ah geedo daaweedyada ay soomaalidu aad u isticmaasho, geedka magaciisa qalaad waxaa la yiraahdaa "Sarcophyte piriei" ama "Balanophoraceae".

Geedkaani waxaa kaloo laga isticmaalaa dhowr wadan oo kale sida: Kenya, Malawi, Mozambique, Tanzania, Uganda iyo Zambia.

Diinsiga soomaalidu waxay u isticmaashaa daaweynta nabraha, ilka xanuunka, cuna xanuunka iyo calool xanuunka taasoo ku tusinaysa inuu galayo booskii daawooyinka antibiotics-ka iyo xanuun baab'iyaha.
Waxaa kaloo jira dad ku daaweeyo gaaska iyo dibiryada iyo dheef-shiid xumada.

Diinsiga waxaa loo sameeyaa sida shaaha oo kale iyadoo loo isticmaalo in lagu daaweeyo shubanka, iyo dhibaatooyinka caadada ee dumarka ku dhaca.

Waxaa jira cilmibaaris lagu sameeyay diinsiga oo ay ku sameeyeen cilmi baarayaal  isugu jiro soomaali iyo ajaanib oo lagu ogaaday in geedkaan ay ku jiraan laba maaddo oo magacyadooda aan u kala bixinay diinsininol (1) and diinsinin (2). walxahaan oo leh faaido antibiotic oo jirka kala dagaallama infakshanka.

Daraasadaan waxaa lagu sameeyay qeybta daawo baarista ee jaamcadda Upsala University ee dalka Sweden.

Waxaa kaloo jira buug ay daabacday jaamacaddaas oo magaciisa la yiraahdo: Inventory of plants used in traditional medicine in Somalia, buugaan oo faaido weyn u leh dadka xiiseeya geedo daaweedka ayaa wuxuu ka hadlayaa illaa 30 geed oo soomalidu ay u isticmaasho daawo ahaan, markii baaritaan lagu sameeyane la xaqiijiyay waxtarkooda iyo faaidada caafimaad ay leeyihiin.


W/Q:ENG:Ahmed Abdi Mohamud  
(ahmed ok )

Comments