Kabajka ama ansalaatada iyo macaanka "sonkorta"

Ma jirto diraasad tilmaamayso inuu Kabajka uu keeno macaan ama uu u daran yahay, cilmibaarisyada oo idil waxay tilmaamayaan in kabajku uu daawo u yahay Macaanka.

Kabajka "Cabbage" wuxuu ka mid yahay cunnooyinka sonkorta hoos u dhigo khaasatan nooca type 2, cilmibaaris lagu sameeyay koox doolli ah sanadki 2008, iyagoo muddo 60 maalmood la quudinayay kabbaj, la arkay inay sonkorta dhiiga ay hoos u dhacday, shaqada kilyahuna ay wanaagsanaadeen, miisaanne uu ka dhacay.

Markii la sii baaray geedka iyo qaabka uu macaanka u kontarool waxaa la arkay sadax qaab inuu u yareeyo:
1- In kabajka uu leeyahay "anti-oxidant" oo ah sun saare, tanoo la aamisan yahay haddii sunta ku badato jirka inay dhaawac u gaysato unugyada soo saaro hormoonka insulin-ka.
2- In kabajka uu ku yareeyo mindhicirrada awoodda nuugista sonkorta, sidaasne ay jirka ugu yaraato sonkorta.
3- In kabajka uu alle ku abuuray walxo sonkorta hoos u dhigayo.

Intaas ka dib, kabajka wuxuu ka mid yahay cunnada haddii lagu dadaalo, ka hortaga macaanka inuu soo daahiro hadduu qofka dhaxal u leeyahay.

Waan garanayaa dad joogteeyo Kabajka oo u isticmaalo inay sonkortooda ku kontaroolaan, waxayna ii sheegeen inuu macaanka uu dagan yahay maalinta ay cunaan.

Kabajka wuxuu kaloo leeyahay faa'idooyin kale oo ay ka mid yihiin inuu jirka kala dagaallamo jeermisyada qaar, khaasatan kabajka cadcad, diraasad lagu sameeyay kabajka iyadoo la fiirinayo awoodiisa jeermis dilidda waxaa la arkay inay ku badan yihiin waxa loo yaqaano "polyphenols" iyo "glucosinolates" oo la dagaallamo tarmidda jeermiska.

Kabajka waxaa kaloo ka buuxo fitamiin C iyo K oo jirka u leh faa'idooyin badan.


W/Q:ENG:Ahmed Abdi Mohamud
(ahmed ok)

Comments