Waa maxay Koosto?
Koostadu waa cagaar la karsado oo cunno ahaan loo cuno, waxaa afka english-ka lagu dhahaa "Spinach", waxaa la rumeysan yahay in asalkeedu ay ka soo jeedo dalka Iran.
Laakin meelo badan ayay dunida gaartay oo hada laga isticmaalaa.
Laakin meelo badan ayay dunida gaartay oo hada laga isticmaalaa.
Maxay koostadu ka kooban tahay nafaqo ahaan?
Koostadu waxaa aad uga buuxa maadooyinka Niacin, Zinc, Protein, Vitamin A, C, E, K, Thiamin, vitamin B6, Calcium, Birta (iron), Magnesium, POtassium, Copper.
Waxaa ku yar dufanka iyo kolestaroolka.
Koostadu waxaa aad uga buuxa maadooyinka Niacin, Zinc, Protein, Vitamin A, C, E, K, Thiamin, vitamin B6, Calcium, Birta (iron), Magnesium, POtassium, Copper.
Waxaa ku yar dufanka iyo kolestaroolka.
Waa qudaar kulansatay nafaqo kala duwan oo jirka qeybihiisa kala duwan wax u tarto.
Waxaa kaloo ku badan maadada jirka sunta ka saarto ee "Antioxidants", waxaa kaloo ku jiro maadada "Folate" taasoo la aamisan yahay in ay caafimaad u leedahay wadnaha iyo xididada.
Maadada magnesium-ka ee ku jirto cagaarta koostada waxay ka qeyb qaadataa kontaroolista cadaadiska dhiigga "blood pressure".
Diraasad la sameeyay dhawaantaan waxaa lagu soo daabacay in koostada ay kobciso xasuusta, shaqada maskaxda iyo foojignaanta.
Koostadu waxay u roontahay dheefshiidka, waxay ka hortagtaa calool fadhiga, waxay kaloo u roontahay dadka qaba gaaska iyo ulcer-ka.
Sidee loo kariyaa?
Waa in koostada la uumiyaa ee lama karkariyo, haddii la karkariyo waxaa ka dhinta nafaqada ay xambaarsan tahay, markii la uumiyo, dheecaanka ay dhashane lama daadiyo oo koostada ayaa suugo looga dhigtaa, si aysan kuu dhaafin nafaqooyinka ay xambaarsan tahay.

Ka fogow isticmaalka koostada gasacaysan ama la soo warshadeeyay, haddii aad heli karto iyadoo fresh ah, taas ayaa nafaqo badan, kana fog halista daawooyinka iyo sunta lagu buufiyo beeraha ama daawooyinka lagu xifdiyo cunnada oo warshadaha ay ku soo daraan.
Waxaa caruurta la siin karaa koostada markii ay 10 bilood gaaraan sida ay ku taliyaan dhakhaatiirta caruurta.
W/Q:ENG:Ahmed Abdi Mohamud
(ahmed ok)
Comments
Post a Comment