Caafimaadka iyo Babaayga




Babaaygu waa faakiho aad u macaan, lagana helo wadamo kooban oo lagu qiyaaso tiradooda 17 wadan, kuwaasoo ku yaalo dhulalka kuleelaha,
Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamadaas fara-ku-tiriska ah ee babaaygu ka baxo.

Geedka babaaygu wuxuu jirka u leeyahay faa'idooyin nafaqeed iyo mid caafimaad intaba, waxaana halkaan ku soo koobi doonaa 10 waxtar caafimaad oo la xaqiijiyay:

Kolestaroolka iyo Caafimaadka Wadnaha:
Babaayga waxaa laga helaa waxyaabo ka ilaalin karo xididada jirka khaasatan kuwa wadnaha inay fadhiistaan dufanka kolestaroolka loo yaqaano, xididadaas oo xirmo waxay sabab u noqdaan wadne-qabadka, 

Cayilka: Babaayga wuxuu ugu horeeyaa cunanda dhakhso lagu dhargo, kuwaasoo aan cayil keenin, waxaana lagula taliyaa dadka rabo inay iscaateeyaan inay ku dadaalaan cunista babaayga, 

Difaaca Jirka: Babaaygu wuxuu sare u qaadaa howsha unugyada difaaca jirka, waxaa kaloo ka buuxo fitamiin C oo isagane muhiim u ah difaaca jirka, 

Caadka Indhaha: Babaayga wuxuu yareeyaa halista caadka indhaha fuulo ee loo yaqaano "Cataract", Babaayga waxaa kaloo ka buuxo fitamiin A iyo beta-carotene iyo walxo kale oo muhiim u ah caafimaadka indhaha, Babaayga, Yaanyada iyo Karootada waa sadaxda cunno ee la isku waafaqsan yahay in laga helo caafimaad buuxo ee Indhaha,

Gaaska iyo Dheefshiid xumada:
Babaayga wuxuu aad u yareeyaa aashitada caloosha, hadduu qofka leeyahay laabjeex iyo bog xanuun, babaaygu waa u daawo. wuxuu kaloo babaaygu daawo u yahay dheefshiid xumada, dibbirada iyo daaco qurunka, 

Caado xanuunka / Caado wareerka:
Babaaygu wuxuu ka tirsan yahay cunnooyinka loo adeegsado caado xanuunka iyo caado wareerka, maadaama babaayga laga helay maado loo yaqaano "papain" oo dhiiga caadada ku shaqo leh, waxaa la arkay inay sixisteeda ka qeyb qaadato, 

Caafimaadka Maqaarka iyo Timaha:
Babaaygu wuxuu iftiimiyaa maqaarka, wuxuuna koriyaa timaha sababtuna waa tirada badan ee fitamin A-ga ku jiro iyo inuu ka shaqeysiiyo qanjirrada saliida soo daayo ee jirka iyo tinta, wuxuu kaloo yareeyaa agoolka, waana sababta keentay in shirkada qaar ay ku suuq geeyaan kareemyadooda maqaarka ama tinta loo isticmaalo inuu babaay ka samaysan yahay ama uu ku jiro, 

Diiqada iyo Welwelka: Babaayga wuxuu ku jiraa cunnooyinka yareeyo stress-ka isagoo ka qeyb qaato kontaroolidda hormoonada u qaabilsan stress-ka, waxaa arrintaan lagu arkay cilmibaaris lagu sameeyay Jaamacadda Alabama,

Neefta / Xiiqda: Babaayga wuxuu ka tirsan cunnooyinka yareeyo halista cudurka neefta sababtane waa maadada loo yaqaano beta-carotene oo aad ugu badan, haddii aad neef qabtid ku dadaal cunista babaayga,

Caafimaadka Lafaha: Babaayga wuxuu kordhiyaa soo nuugista maadada kaalsiyamta oo lafaha laga sameeyo, wuxuu kaloo yareeyaa in kilyuhu kaalsiyamka jirka ka saaraan, waxaa kaloo laga helaa borotiinada lafaha qaabilsan, intaas oo la isku daray kulligood waxaa laga helaa lafo caafimaad qabo,

Babaaygu waa cunno nafaqo leh, nafta u roon, caafimaadkane kobciyo, wadankeenane laga helo ee aan ku dadaalno.


W/Q:ENG:Ahmed Abdi Mohamud 
( ahmed ok )

Comments