Caafimaadka iyo Qaraha



Qaraha ama Xabxabka waa midho aad faa'ido ugu leh jirka, waa midhaha ugu biyaha badan inta la ogyahay, waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 92% inuubiyo yahay, saas ay tahayne waxaa ku jiro nafaqo kala duwan oo jirka uusan ka maarmin kuwaas oo kala ah Vitamin A, B6, C, E iyo borotiinno kala duwan.

Waxaa kaloo qaraha ku jiro macdanta bootaasiyamta oo unug walba oo jirka ka mid ah uu u baahan yahay.
Qaraha kuma jiro wax dufan ah, wayna ku yartahay maadada karboohaydrayt-ka, sidaa awgeed laguma tiriyo midhaha lagu cayilo.

Qaraha waxaa ku badan maaddada loo yaqaanno "Lycopene" waa maddoo ku yar midhaha kale, waxayna cilmibaarayaasha sheegaan in maadadaas inkastoo ay ku yartahay laga helo midhaha yaanyada, saytuunka gaduudan iyo cinabka gaduudan.

Maadada "Lycopene" waxay ka qeyb qaadataa caafimaadka wadnaha, lafaha iyo yaraynta khatarka kansarka qanjirka ragga "borostaatada"
Waxay kaloo maadadaan la dagaalantaa sunta jirka ku jirto.
Markasta oo qaraha aad u bislaado oo aad u sii gaduuto, maadada "Lycopene" way ku sii badataa.

Borotiinka qaraha laga helo waxaa u badan nooca loo yaqaanno "citrulline" waxayna muhiim u tahay xididada dhiigga, waxayna kordhisaa qulqulka dhiigga.
Waxaa kaloo qaraha ku jira maadada kaalsiyamta iyo birta inkastoo ay ku yaryihiin.

Caafimaadka Qaraha / Xabxabka:

Caafimaadka wadnaha: qaraha wuxuu yareeyaa halista wadna qabadka iyo unugyada murqaha wadnaha in ay duqoobaan, wuxuu kaloo ka hortagaa in xididada wadnaha ay subag ama dufan ay ku samaysmaan, qoraal lagu daabacay joornaalka dhiig-karka ee ka soo baxa wadanka maraykanka waxay cilmibaarayaal ku soo bandhigeen in qaraha uu yareeyo cadaadiska dhiigga ku dhaca dadka buurbuuran.

Ka hortagga caabuqa:
sidaan horay u soo xusayba, maadada "Lycopene" waxay yareysaa halista caabuqa iyadoo hoos u dhigto waxyaabaha ka qeyb qaata caabuqa iyo inay yarayso sunta jirka, sidaa awgeed takhaatiirta ayaa kula taliso dadka qaba xanuunnada riixa, roomaatiisamka iyo murqa xanuunka in ay badsadaan cunista iyo cabista qaraha.

Fuuqcelin: qaraha wuxuu ugu horreeyaa cunnooyinka jirka fuuqceliyo maadaama ay ku jiraan biyo aad u badan, taasoo macnaheeda ah in kilyaha iyo qashinsaarkaba aad ugu roon yahay, waxaana loo adeegsadaa in qururuxa yaryar ee kilyaha ama kaadi mareenka ku jiro in uu soo saaro, wuxuuna ka hortagaa suuxdinta kuleelka.

Dheefshiidka: xabxabka waxaa ku jiro maadada fiber-ka ama buunshaha loo yaqaano taasoo dheefshiidka iyo mindhicirrada caloosha u roon.

Maqaarka iyo Timaha:
Qaraha wuxuu u wanaagsan yahay kobcinta unugyada maqaarka iyo tinta, sababtuna waxaa ku badan fitamiin "A" waxayna ka hortagtaa jir qallaylka.

Kansarka borostaytka:
cilmibaarayaal dhowr ah ayaa ogaaday in qaraha uu yareeyo tarmidda unugyada qanjirka borostaytka sidaasne uu ku yarayn karo halista cudurkaan, waxaana warbixintaan lagu soo bandhigay machadka ka hortagga kansarka.

Soonka iyo cunista ama cabidda Qaraha:

Faa'idooyinkaa kor ku xusan awgood, qaraha waxaa lagu xisaabiyaa midhaha ugu horreeya oo haddii la heli karo in lagu afuro ay fiican tahay, sababtuna waa sidatan:

1- Qaraha oo oonka u roon iyo fuuqcelinta jirka
2- Qaraha oo dheefshiidka u roon oo caloosha iyo mindhicirrada u diyaariya cuntooyinka aad ku afuri rabtid.
3- Qaraha oo qulqulka dhiigga kordhiyo taasoo qofka uu ka heli karo nashaad iyo firfircooni, khaas ahaan salaadda taraawiixda.
4- Qaraha oo leh faa'idooyin nafaqo jirka uu u baahan yahay.


W/Q:ENG:Ahmed Abdi Mohamud 
 ( ahmed ok )

Comments

  1. Casino-Style Review 2021 - Mapyro
    The Casino-Style 안성 출장안마 is one 경상북도 출장안마 of the newer casinos to 경상남도 출장샵 arrive in the US. We have a 남양주 출장샵 look at the casino-style, offering up a wide selection of slots and a 하남 출장마사지 casino theme.

    ReplyDelete

Post a Comment