Caafimaadka liin dhanaanta



Liin dhanaantu waa aashito laakiin markii ay jirka gudaha u gasho, waxay yaraysaa aashitada jirka, tanoo isu dheellitirayso dheecaanada jirka.

Liin dhanaantu waxaa aad ugu badan fitamiin C-ga, fitamiinkaan oo xoojiyo difaaca jirka lana dagaallamo infekshanka ay feyrasyadu keenaan sida Hergabka,

Liin dhanaantu waxay caawisaa shaqada beerka, waxayna dhalaalisaa waxyaabaha halista ku ah, sida aashitada uriik "Uric Acid", waxay kaloo mishaa dacarta, sidaas daraadeed waxaa lagu taliyaa in qofka uu subaxii hore cabo biyo liin dhanaan oo qandac ah si beerka u nadiifismo.

Liin dhanaantu waxay nadiifisaa mindhicirrada, waxay kordhisaa dubaaxinta mindhicirrada si ay jirka uga saaraan waxa mindhicirrada ku dhex jiro, waxay kaloo la dagallantaa gooryaannada caloosha ku jiro sida tuunta oo kale,

Liin dhanaantu waxay daawo u tahay cudurka cirid dhiigga "Scurvey", xanuunkaan oo aad ugu badan badmaaxayaasha, waxaa lagula taliyaa inay liin dhanaan ku fialan ay u qaataan safarradooda.

Liin dhanaanta waxaa ku jiro aashitada loo yaqaano "Citric acid" tan oo jirka ku caawiso inay misho ama dhalaaliso dhagaxaanta ku samaysmo xameetida iyo kilyaha, dadka ay ku soo laalaabtaan dhagaxaanta kilyaha iyo xameetida waxaa lagu booriyaa inay cunista liin dhanaanta joogteeyaan.

Qolofta liin dhanaanta waxaa ku jiro maaddo loo yaqaano "Tangeretin", tan oo la hubiyay inay daawo u tahay xanuunka laleemada ee Parkinson's disease.
Liin dhanaantu waxay xal u noqotaa cabburka iyo oksajiin yarida, waxayna siisaa jirka awood uu oksajiin yar ku noolaan karo, arrintaan oo la ogaaday markii uu ku guuleystay ninkii ugu horeeyay oo gaara cirifka buurta "Mt. Everest" oo sheegay inuu liin dhanaan kaliya cuni jiray inta uu safarka buurta ku sii jiray!.

Liin dhanaanta waxay xoojisaa xididada, waxayna yaraysaa halista inay xidida dillaacaan ama qofka dhiigbax jirka gudihiisa ku dhaco, khaasatan dadka qabo dhiig-karka.

Liin dhanaantu waxay wanaajisaa aragga, iyadoo daawo u ah xanuunada ku dhaca shabakadda isha ee "Retina" waxaana la ogaaday inay sabab u tahay maado liin dhanaanta ku jirto oo loo yaqaano "Rutin".

Liin dhanaantu waxaa ku jiro 22 walxood oo kansarka la dagaallamo, kuwaas oo alle ku abuuray liin dhanaanta, howsha badan ey qabtaan waa hakinta ama joojinta tarmidda unugyada kansarka.

Liin dhanaantu waxay jirka siisaa nafaqo kala duwan oo iskugu jirto, fitamiin c, uric acid, fitamiin b, kaalsiyam, birta, magniisiyamta, bootaaisyamta iyo kuwa kale oo badan.

Liin dhanaantu waxay nuursiaa maqaarka qofka, waxaana loo adeegsadaa in jirka looga baab'iyo haaraha wajiga noocyadooda kala duwan, waxaana taariikhda la sheegaa in dadka shiinaha ay caruusooyinka ugu qubeyn jireen liin dhanaanta dhowr maalmood ka hor inta aan la aroosin!, waana arrin cilmibaarista lagu arkay in liin dhanaanta ay maqaarka ka baab'iso haaraha, iftiin u kordhiso, unugyada dhintay ay ka qaaddo, laalaabyada maqaarka samaysto inay yarayso iyo waxyaabo kale.

Liin-dhanaantu waa jeermis dile awood buuxa leh, waxay la dagaallantaa caabuqa bakteeriyada iyo fayrasyada qaar oo ay ku samayso waxa loo yaqaano "inactivation".


W/Q:ENG:Ahmed Abdi Mohamud 
(ahmed ok )

Comments

Post a Comment