Caafimaadka mooska



Qofka markuu aad u ciyaaro ama juhdi badan bixiyo waxaa jirka ku bato maadada Sodium-ta ama cusbada, tanoo cadaadiska dhiigga kicin karto, mana u roono caafimaadka wadnaha iyo maskaxda, sidaas awgeed mooska waxaa ka buuxa maadada loo yaqaano "Potassium-ta", maadadaan waxay hoos u dhigtaa cusbada jirka ee sodium-ta.

Maadaama ciyaartoyda ay maskaxdooda aad uga shaqaysiiyaan, oo uu ku dhaco waxa loo yaqaano "Daalka maskaxda", mooska waxaa ku jiro borotiin loo yaqaano "Tryptophan" oo maskaxda firfircooni siiso oo qofka markuu ciyaarta ku laabto wuxuu helayaa foojignaan.

Intaas waxaa sii dheer in mooska laga helo tamar iyo awood nafaqo maadaama uu qofka daalan yahay, wuxuu kaloo yareeyaa dareenka oonka.

Intaas oo la isku daray, mooska waa faakihada ugu fiican ee la cuno markaa howl culus qabatid sida ciyaaraha banooniga, tennis-ka iyo wixii la mid ah.

Faa'idooyinka kale ee Moosku leeyahay:

1.Mooska waxaa ku jiro markii laga reebo maadada muhiimka ah ee aan kor ku soo xasay ee bootaasiyamta, macdano kala duwan sida fitamiinada B6, C, macdanta magnesium, copper, protein iyo dufan.

2.Mooska aan sifiican u bislaanin waxaa ku jirto maado loo yaqaano "Pectin" iyo "resistenat starch" labaduba waxay hoos u dhigaan sokorta dhiigga, sidaas awgeed cunnada kahor ama ka dib in la cuno ayaa lagu taliyaa, laakiin dadka macaanka qabo waa in ay ka fogaadaan mooska badan weliba kan safiican u bislaaday.

3.Mooska wuxuu wanaajiyaa dheefshiid-ka, waxaa ku badan maadada "Fiber-ta", taasoo calool fadhiga ka hortagto, dheefshiidkane u fiican.

4.Sidaan horay u soo sheegay, mooska wuxuu u fiican yahay caafimaadka wadnaha maadaama maadada bootaasiyamta laga helo.

5.Mooska waxaa ku jiro maadooyin sun-saaris oo xoogan, kuwaasoo kala ah "Dopamine" iyo "Catechins", waxayna u fiican yihiin caafimaadka maskaxda iyo beerka.

6.Mooska wuxuu qofka dareensiiyaa dharag, sidaas awgeed dadka cayilan oo cunanda xakamayn karin waxaa lagula taliyaa inay cunaan moos aan safiican u bislaanin.

Mooska waa faakiho ama khudrad caafimaad badan laga helo, laakiin waxay cilmibaarayaashu isku waafaqsan yihiin in midka aadka u bisil uu ka waxtar yar yahay midka biseelka bilaabi rabo "mooskaato" ama xoogaa cayriinka ah.
Sidaas awgeed haddii aad mooska caafimaad ahaan u cunaysid, cun moos aan safiican u bislaanin.


W/Q:ENG:Ahmed Abdi Mohamud
(ahmed ok)

Comments