Daawada Dabiiciga Ee Hergabka



Waxaan filayaa in dhammaan la wada garanayo waxa Hergabka uu yahay, waa xanuun feyras uu keeno oo lagu garto qandho, qarqaryo, san-durdur, san cabbur, hindhiso, madax xanuun, caajis iyo murqo xanuun.

Ogow hergabka looma qaato daawo qallajite "antibiotic" maadaama waxa keeno aysan bakteeriyo ahayn oo uu feyras yahay, badanaa hergabka waa xanuun iskiis iskaga tago, daawooyinka badanaa loo qaatane waa kuwa caawin ah sida qufaca oo la yareeyo, qandhada oo la jabiyo, hindhisada iyo cuncunka sanka ama dhuunta oo la joojiyo.

Laakiin intaa waxaad u daawayn kartaa hab dabiici ah adigoo aadan qaadan daawo.
Waxaan rabaa in waxyaabaha caafimaad ahaan la ansixiyay oo cilmibaaris lagu sameeyay oo la ogyahay qaabka ay hergabka wax uga taraan in aan idin la wadaago, waxaana ka mid ah:

Maraqa khaas ahaan kan digaaga:Cilmibaaris lagu soo daabacay joornaalka "Chest" waxaa lagu xusay in cabidda maraq kulul oo laga sameeyay qudaar iyo digaag la isku kariyay in ay aad u yarayso faafidda ama tarmidda jeermiska feyraska ee hergabka keeno, waxay kaloo xustay dadka joogteeyo cabista maraqa in ku yar tahay in uu hergab ku dhaco!

Sanjabiilka:Sanjabiilka oo biyo lagu kariyo, kadibna biyahaa la cabo waxay joojisaa qufaca, cuncunka iyo xanuunka dhuunta, waxay kaloo yaraysaa lalabada, geedkaan oo lagu sameeyay cilmibaaris kala duwan ayaa la isku waafaqay in daawo ahaan loogu adeegsan karo xaaladaha qaar oo uu ka mid yahay "hergabka".

Malabka:waa daawada aan ku kalsoon nahay oo cilmibaaris nooga baahnayn oo eebbe noogu sheegay in caafimaad walba uu ku jiro, waxaa cilmibaariyaashu sheegeen in haddii malab iyo liin dhanaan lagu darsado koob shaah oo qandac ah inuu daawo u yahay hergabka, waxay kaloo cilmibaarayaal kale sheegaan oo u badnaa dhakhaatiir ku taqasustay cudurada caruurta in hal qaaddo weyn oo malab ah oo la siiyo caruurta habeenkii marka ay seexanayaan in ay ka hortagto qufaca iyo hergabka, khaas ahaan caruurta qufaca la soo tooso oo ku matago ama cabburmo xilliyada habeenkii,

Toonta / Tuunta: Toonta ma daaweyso hergabka kaliya ee wayba ka hortagtaa, toonta waxaa ku jiro maaddo la yiraahdo "allicin", maadadaan oo shaqo joojin ku samayso dheecaan feyraska iyo bakteeriyada ay kaga faa'ideestaan in ay xanuuno dhowr ah ku ridaan qofka, xanuunadaas oo ay ka mid tahay Hergabka, marka waxay dhakhaatiirta ku taliyaan in toonta lagu darsado cunnada aadna loo badsado xilliyada uu hergabku badan yahay, 

Vitamin C / Liinta:Liinta, Bambeelmada Iyo oranjada oo ay ka buuxdo fitamiin C-ga waxay yaraysaa san-durdurka iyo hindhisada, qufaca qallalan iyo afqallaylka, waxay fiican tahay markaa shaah kulul ku darsato ama in iyadaba markaa miirato aad qandiciso oo iyadoo qabow ah aadan cabin, vitamin C-ga wuxuu kaloo sare u qaadaa habdhiska difaaca jirka tasoo yaraynaysa in jeermiska fursad u helo jirkaaga oo uu xanuun u sababo, 

Biyo cusbo leh:Cilmibaaris lagu soo daabacay joornaalka "American Journal of Preventive Medicine" waxay xustay in lagu luqluqdo biyo diiran oo cusbo leh in ay yarayso fursadda in bakteeriyada ama fayraska ay ku tarmaan dhuunta, waxay kaloo yaraysaa cuncunka dhuunta iyo waxay kaloo jilcisaa xabka, waxay kaloo joojisaa cabburka sanka, waa muhiim in aad caado ka dhigato ku luqluqashada biyo kulul oo cusbo leh haddii aad tahay dadka quumanka ku soo laalaabtaan.

Uuminta / Isuumiska:In la isku huuriyo ama la isku uumiyo biyo kulul ama meel diiran waxay yaraysaa awoodda feyraska keeno hergabka, waxay jirka u siisaa awood difaaceed oo uu kaga hortagi karo jeermiska maadaama qulqulka dhiigga uu siyaadayo, unguyada dhiigga cadcad ee la dagaallamo infekshane waxay si dhakhso ah u gaarayaan meesha cilald ay ka jirto oo ah dhuunta, sanka iyo afka.

Filfisha:Filfisha waxay aad ugu fiican tahay Hargabka, Ifilada, Riiraxyada, Sanboorka iyo Caabuqa sanqada, sababtuna waaa maado ku jirto filfisha oo xabka iyo duufka soo saarto "Expectorant" xabkaan iyo duufkaan oo keeno qufaca iyo hindhisada siyaadada ah. Dadka hergabka qabo badanaa waxay maraqa ku darsadaan filfisha, maraqu wuxuu sare u qaadaa difaaca jirka, filfishuna waa qufac joojiye iyo xab soo saare, waa laba shay oo fiican in la isku darsado sida dadka qaarba ay u isticmaalaan.

Way dhici kartaa in ay jiraan habab kale oo aad wax iskaga garatay oo aad u isticmaasho la dagaallanka hergabka, laakiin kuwaan aan kor ku soo xusay waa kuwo ay dadka aad u isticmaalaan, cilmi ahaanne la arakay waxtarkooda.
Ku dadaal in aad raacdid talooyinka dhakhtarkaaga, iska hubi oo baar haddii waxa ku hayo aysan hergab ahayn maadama ay dhici karto in waxyaabo kale ku qaldi kartid.

Haddii talooyinkaan kore aad wax iskaga garan waysid la xiriir dhakhtar si laguu baaro.


W/Q:ENG:Ahmed Abdi Mohamud 
 ( ahmed ok )

Comments

  1. LuckyClub Live Casino Review – Bonuses, Software, Software
    LuckyClub is a Live Casino Platform that offers an exciting Live Casino Experience to the whole casino. You luckyclub.live can play casino games for real money online

    ReplyDelete

Post a Comment